Sanadihii u dambeeyay Affiliate Marketing wuxuu noqday mid ka mid ah hababka ugu Caansan ee lacag looga sameeyo internet-ka Dad badan oo adduunka ku nool ayaa ka hela dakhli joogto ah iyagoo xayeysiinaya badeecooyin ama adeegyo ay leeyihiin shirkado kale, Waxa ugu wanaagsan ayaa ah inaadan u baahnayn inaad samaysato badeeco adiga kuu gaar ah ama aad maamusho bakhaar, Waxa keliya ee lagaa doonayaa waa inaad dadka gaarsiiso badeecad ama alaabooyin, Haddii uu qof soo raaco link-gaaga Affiliate Marketing oo uu ibsado badaceeda ama alaabada aad suug geysay, waxa lugu siinaya komishan
Haddii aad leedahay Website, YouTube, Facebook, TikTok, Telegram, Waxaad fursad u leedahay inaad ka faa’iidaysato Affiliate Marketing
Maqaalkan waxaad ku baran doontaa waxa uu yahay Affiliate Marketing, Sida uu u shaqeeyo iyo faa’iidooyinkiisa iyo tallaabooyinka ugu muhiimsan ee aad ku bilaabi karto

Waa maxay Affiliate Marketing?
Affiliate Marketing waa hab suuq geyn ah oo qofku ku helo komishan marka uu dadka u gudbiyo badeecad ama alaabooyin ay bixiso shirkad kale, Halkii aad adigu wax soo saari lahayd, Waxaad isticmaalaysaa (Affiliate Link) Link kuu gaar ah oo adigu leedahay Marka qof Link gaas Gujiyo oo wax iibsado ama sameeyo sida ay shirkadu rabto, waxaad helaysaa lacag Komishan ah Tusaale ahaan, Shirkad iibisa software ayaa laga yaabaa inay ku siiso 40% komishan qof kasta oo iska diiwaangeliya adeegeeda qofkaas oo isticmaalaya link-gaaga Haddii software ku qiimihiisu yahay $100 waxaad heli kartaa $30 hal iib oo keliya, Affiliate Marketing waxaa loo arkaa ganacsi online ah oo aan u baahnayn kayd badeeco ama gaarsiin
Sida uu ushaqeeyo Affiliate Marketing
Affiliate Marketing wuu fudud yahay haddii si wanaagsan aad ufahanto
1. Waxaad iska diiwaangelisay barnaamij Affiliate ah
2. Shirkadu waxay ku siinaysaa ( Affiliate Link ) kuu gaar ah adiga
3. Waxaad link gaas soo dhigtay baraha bulshada
4. Dadku waxay gujinayaan Link-gaa aad soo dhigtay Baraha bulshada
5. Haddii ay wax iibsadaan ama buuxiyaan shuruudda la doonayo, Waxaad helaysaa komishan
Nidaamkan waxaa lagu cabbiraa software si sax ah u diiwaangeliya cida keentay macmiilka
Maxay yihiin faa’idooyinka Affiliate Marketing?
Affiliate Marketing wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo sabab u noqday inuu caan ka noqdo dunida
1. Uma baahnid badeeco kuu gaar ah
Waxaad suuq geynaysaa badeecooyin ay leeyihiin shirkado kale, Taasoo meesha ka saaraysa kharashka wax soo saarka
2. Kharash inaad geliso uma baahna
Waxaad ku bilaabi kartaa website ama baraha bulshada adigoon gelin lacag badan
3. Waxaad Ka Shaqayn Kartaa Meel Kasta
Haddii aad leedahay Laptop ama Mobile waxaad si fudud uga shaqaysan kartaa Affiliate Marketing adiga oo gurigaaga jooga
4. Dakhli Joogto ah
Marka website kaagu helo dad badan oo soo booqda waxaad heli kartaa iib joogto ah iyo dakhli soo noqnoqda
Maxaa loo baahan yahay siaad u bilowdo Affiliate Marketing?
Kahor intaadan bilaabin Affiliate Marketing, Waxaa muhiim ah in aad diyaarsato:
Dooro Mawduuc (Niche)
Dooro mawduuc aad aqoon u leedahay ama aad xiisaynayso, Tusaalooyinka waxaa ka mid ah:
1. Sida internet-ka lacag looga sameeyo
2. Tiknoolajiyada
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Ganacsiga
6. Safarka
Doorashada niche ama mawduuc wanaagsan waxay kaa caawinaysaa inaad si fudud u hesho akhristayaal danaynaya waxa aad qorto, Waxaad sameysaa Website Ama Blog
Website-ku waa meesha ugu wanaagsan ee lagu daabaco maqaalo tayo leh oo ay ku jiraan (Affiliate Links ) Haddii aad si joogto ah u qorto maqaalo faa’iido leh, waxaad si tartiib tartiib ah u dhisi kartaa kalsoonida akhristayaasha
Waa maxay seo?
SEO (Search Engine Optimization) waa farsamooyin kaa caawinaya in maqaalkaagu kasoo muuqdo Qaybaha sare raadinta, Marka maqaalkaagu helo dad badan oo soo booqda waxa markaa sii kordhaya fursadda iibka iyo komishanka aad helayso

Sidee Loo Doortaa Affiliate Program Fiican?
Ma aha in barnaamij kasta uu ku habboon yahay qof walba, Markaad dooranayso Affiliate Program, Eeg ama fiiri qodobadan:
1. Komishanka la bixinayo
2. Sumcada shirkada
3. Tayada badeecada ama alaabta
4. Sida lacagta loo bixinayo iyo goorta lacagta la bixinayo
5. Taageerada ay siiyaan Affiliates ka
Markaad doorato shirkado lagu kalsoon yahay waxay kordhinaysaa kalsoonida akhristayaasha iyo fursadda iibka

Tusaale Dhab Ah
Ka soo qaad inaad leedahay website ka hadla sida lacag online looga sameeyo, Waxaad qortaa maqaal sharaxaya adeeg faa’iido leh, kadibna waxaad ku dartaa Affiliate Link-gaaga, Kadibna qof akhriste ah ayaa arkay Link-gaaga wuxuuna go’aansaday in uu alaabta iibsado isagoo adeegsanaya Link-gaaga (Affiliate Link) Haddii shirkaddu bixiso 25% komishan, waxaad helaysaa qayb ka mid ah qiimaha iibka adigoo aan wax iibin ama wax dirin Tani waa sida Affiliate Marketing u shaqeeyo, Waana sababta ay dad badan uga sameeyaan Dakhli joogta ah
Ka Faa’iidayso hadii aad leedahay Youtube Channel
YouTube waa meel aad u fiican oo lagu sameeyo Affiliate Marketing, Adiga oo asxaabta kugu xidhan la wadaagaya Affiliate link gaaga, Sido kale muuqaalo ayaad soo duubi kartaa adiga oo asxaabtada la wadaagaya qaabka ay u ibsan lahaayeen alaabta ama badeecada aad suuq geynayso
Waxaad samayn kartaa:
1.Casharo
2. Dib u eegis (Review)
3. Isbarbardhig badeecooyinka
4. Hagayaal step by step ah
Link-ga Affiliate ka ku dar qaybta Description ka, Ee muuqaalka aad soo dhigayso Youtube Channel ka, Haddii daawadayaashu ku kalsoonaadaan taladaada, waxay u badan tahay inay isticmaalaan ( Affiliate Link) gaaga
Sida Loo Kordhiyo Dakhliga Affiliate Marketing
Haddii aad rabto dakhli badan, isku day xeeladahan:
Daabac Content Joogto Ah
Waxaad si joogta ah u qortaa maqaalo cusub in Website ka si joogto ah loo cusboonaysiiyo waxa uu leeyahay fursad wanaagsan oo uu ku helayo dad badan oo soo booqda Wapsaite ka
Dooro Badeecooyin Tayo Leh
Ha xayeysiin wax kasta oo lacag laga helo, Dooro alaabooyin ama adeegyo aad ku kalsoon tahayMarka akhristayaashu arkaan inaad bixiso talooyin wanaagsan, Waxay mar kale kusoo laaban doonaan Wapsaite kaaga
Baro Waxa Akhristayaashu Rabaan
Adeegso faallooyinka iyo su’aalaha ay dadka ku waydiiyaan si aad u ogaato mawduucyada ay xiisaynayaan, Kadib u qor maqaalo ka jawaabaya baahidaas
Khaladaadka Ay Tahay Inaad Ka Fogaato
Dad badan waxay ku fashilmaan Affiliate Marketing sababtoo ah waxay sameeyaan khaladaad aanay ka fiirsan, Khaladaadka ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
1. In la xayeysiiyo badeeco ama alaab aan tayo lahayn
2. In maqaal kasta laga buuxiyo Affiliate Links badan
3. In la qoro Content kooban oo aan wax qiimo ah lahayn
4. In la joojiyo shaqada dhowr toddobaad sababtoo ah dakhligu si degdeg ah uma imanayo
5. In aadan Wax SEO ah ku darin Post-gaaga
Gunaanadka Maqaalka
Affiliate Marketing waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan ee lacag looga sameeyo internet ka haddii aad diyaar u tahay inaad barato oo aad qorto maqaalo tayo leh, Oo aad siiso akhristayaasha xog dhab ah oo faa’iido leh, Guushu kuma timaado hal maalin, balse joogtaynta iyo tayada content ka ayaa kuu horseedi kara dakhli joogta ah,
Markaa hadii aad doonayo inaad bilowdo Affiliate Marketing hababka aan kuu soo sheegay samee Waxaad noqon doonta mid guuleysta oo Affiliate Marketing ka sameeya Dakhli joogta ah

