Google adsense sida lacag looga sameeyo markaad Wapsaite ku xidho

Dad badan ayaa maanta doonaya inay internet ka helaan dakhli badan, Waxaana ka mid ah kuwa ugu caansan google Adsense, Hadii aad leedahay wapsaite ama Blog oo aad si joogta ugu daabacdo maqaalo fiican oo tayo leh, Waxaad ku xidhi kartaa Google AdSense markaa Google adsense waxa uu noqon karaa meel uu dakhli kaa soo galo

Si kastaba ha ahaate dad badan ayaa codsada google adsense laakin waa laga diida Sababta ugu wayn maaha in badanaa wapsaite yada ay ku xidhayaan ay yihiin qaar cusub, Balse waa inay buuxin sharuudii google adsense ka rabtay, Markaa waa muhiim inaad fahanto qaabka AdSense ushaqeeyo iyo sida wapsaite ka lugu xidhayo,

Maqaalkan waxaad ku baran doontaa Waxa uu yahay google adsense iyo sida uu ushaqeeyo iyo faa’idooyinkiisa iyo sharuudaha ansixinta, Iyo talooyin kaa caawinaya inaad kordhiso fursadaha lugu ogolaanayo

google Adsense, lacag ka samee
Mohamed Wardi / SameeLacag

Google adsense muxuu yahay?

Google adsense waa barnaamij xayeysiis oo ay bixiso google, Dadka wapsaite yada isticmaala inay lacag ka helaan Xayeysiisyada lugu soo ban dhigo Wapsaite-kooda, Marka Wapsaite kaaga ay aqbasho adsense waxay si otomaatig ah udoorataa xayeysiisyada ugu haboon mawduuca Bogaaga iyo danaha dadka soo booqanaya

Tusaale ahaan: Hadii wapsaite kaagu ka hadlo sida Online lacag looga sameeyo dadka soo booqanaya wapsaite-kaga waxay arki doonan mawduucyo ku saabsan Internet ka iyo Software iyo waxyaabo kale oo ay xiisayn karaan, Tani waxay ka dhigaysaa xayeysiisyada kuwa waxtar u leh dadka soo booqanaya Wapsaite-kaga isla markaana adiga kuu abuura Fursad dakhli aad ku hesho

Sida ay ushaqeyso Google adsense

Qaabka uu ushaqeeyo waa mid fudud

1. Waxaad dhistaa wapsaite leh content wanaagsan oo waxtar leh

2. Waxaad daabacdaa maqaalo Original ah oo waxtar leh oo aad adigu leedahay oo meel kalana aadan Copy ka soo dhihin

3. Kadib waxaad codsataa google adsense

4. Marka la soo aqbalo wapsaite-kaga, Waxaad ku dartaa koodhka xayeysiisyada Wapsaite kaga

5. Kadib google ayaa soo bandhigta xayeysiisyo ku haboon

6. Kadib waxaad helaysaa dakhli marka xayeysiiyada bogaaga la soo dhigo la gujiyo ama la arko iyo oo ay ku xidhan tahay nooca xayeysiisyada iyo taraafikada Wapsaite kaga

Lacagta ama dakhliga wuu sameeyo wapsaite ku waxay ku xidhan tahay arimo ay kamid yihiin tayada dadka soo booqanaya wapsaite-kaga wadamada ay joogaan, Mawduuca wapsaite ka iyo qiimaha ay bixiyaan xayeysiis bixiyayaashu

Maxay yihiin faa’idooyinka google adsense?

Waxa jira sababo dhowr ah oo ay dadku udoortaan adsense

1. Waa adeeg rasmi ah oo google ay leedahay oo kalsooni buuxda leh

2. Marka aad isticmaalayso lacag bixin maysid oo lagaa qaadi maayo wax lacag ah

3. Waxay maamushaa google xayeysiisyada oo dhan

4: Waxa inta badan lugu dari karaa wapsaite yada

5: Hadii wapsaite kaaga ay dad badan soo booqdaan waxaad heli kartaa dakhli joogta ah

6: Xayeysiis yadu si otomaatig ah ayay ula jaanqaadaan oo ula socdaa meelaha laga daawanayo

 

Adsense inta aadan codsan hubi in wapsaite kaagu uu leeyahay:

Maqaalo rasmi ah

Qoraalada aad soo dhigayso wapsaite-kaaga waa inay noqdaan, Kuwa aad adigu soo diyaarisay, Ka fagow inaad wax ka Copy-gareyso Wapsaite yada kale

Usamee Bogag muhiim ah wapsaite-kaga

Waxa fiican oo muhiim ah inaad sameyso Page ay kamid yihiin

1. About Us
2. Contact Us
3. Privacy Policy
4. Terms and Conditions

Waxay muujinayaan Page-yadani in wapsaite kaagu uu yahay mid xirfad leh oo kalsooni leh

Xawaare sare

Hadii wapsaite ku gaabis yahay waxa uu keeni karaa in dad soo booqanaya wapsaite ka inay ka baxaan, Taas oo waxyeeli karta khibrada isticmaalah sidaa darteed isticmaal Sawiro zise ahaan la yareyey oo hubi in wapsaite kaagu isla markiiba furmayo

Google adsense maxay udoor bidaa content tayo fiican oo sare leh?

Sababta ayaa ah in google ay siiso dadka jawaabo sax ah oo waxtar leh, Sidaa darteed waxay mudnaan siisaa Wapsaite yada bixiya macluumaadka saxda ah ee sida wanaagsan loo habeyey

Maqaalka fiican waa inuu noqdaa:

1. Waa in uu ka jawaaba suaalaha akhristaha

2. Isticmaal ciwaano (H2 iyo H3 )

3: Maqaalku waa in uu leeyahay Hordhac iyo Gunaanad wanaagsan

4: Adeegso luuqad fudud oo la fahmi karo

5: Ka fagow khaladaadka higaada iyo naxwaha

Markaad sidaa sameyso waxaad balaadhinaysaa oo kordhinaysaa fursadaha Google adsense iyo dadkuba ku jeclaanayaan Wapsaite kaaga

Sida ugu wanaagsan ee lugu helo aqbalaada Google adsense

Google adsense may sheegin Tiro cayiman oo maqaalo ah ama ereyo ah oo loo baahan yahay, Hadana waxa jira siyaabo dhowr ah oo lugu aqbali karo wapsaite kaaga

1. Maqaalo joogto ah

Wapsaite kaaga waa inaad soo galisaa oo aad soo daabacdaa maqaalo joogto ah, Tusaale ahaan hadii Tobaadkii aad soo daabacdo saddex ama labo maqaal waxay ka dhigan tahay in wapsaite kaagu firfircoon yahay

2. Content asal ah oo aad adigu leedahay

Google adsense waxay si wanaagsan uqiimaysaa oo u eegtaa qoraalada aan laga soo uruurin Wapsaite yada kale, Hadii aad isticmaasho AI waa inaad dib u eegto oo qoraalada Saxdo oo aad ku darto fikrado kuu gaar ah, Si maqaalka aad soo daabacday u noqdo mid fiican oo waxtar leh

3. Wapsaite kaagu waa inuu noqdaa mid amaan ah

Isticmaal, HTTPS, ( SSL Certificate ) kani waxa uu ilaaliyaa xogta dadka soo booqanaya wapsaite-kaga Waxayna kordhisaa kalsoonida wapsaite-kaga

Menu ama Navigation fudud

Wapsaite kagu waa inuu yeesha navigation ama Menu si wanaagsan loo fahmi karo Qofka akhrisanaya waa inuu si fudud u heli karaa maqaalada kala duwan ee aad qortay

Content yar oo kooban

Wapsaite ku hadii uu leeyahay Saddex maqaal oo gaagaaban badanaa ma buuxiyo heerka tayada ee google adsense Doonayso, Markaa maqaalada aad soo daabacaysid ha noqdaan kuwa tayo leh, Oo qofkii Akhristaa uu ka faaidayo

Sawiro xaquuqdood aadan lahayn

Waxaad isticmaasha sawiraan adigu aad sameysatay ama kuwa shati ahaan la ogol yahay in la isticmaalo, Sidaa daraadeed ha isticmaalin Sawiro Xaquuq dooda aanad lahayn

adsense lacag ka samee, samee lacag
sameelacag

Google adsense Wakhtiga uu lacagta bixiyo

Lacagta waxaa luguu soo dirayaa marka xadka lacag bixinta gaadho, Oo la ĥĥh5dhameystiro Xaqiijinta account-gaga iyo Habka lacag bixinta lacagtana waxa lugugu soo diri doona Jadwalka google

Gunaanad

Adsense waxay kamid tahay hababka ugu muhiimsan ee kalsoonida buuxda leh ee lacagta looga sameeyo wapsaite yada iyo Youtuber yada hadaba waa inaad ogaata hadii lugu soo aqbalo inay guushu ku xidhnayn, Helitaanka ansaxinta , Balse waxay ku xidhnaan doonta Tayada Content kaaga aad soo gudbiso iyo sida aad wax faaido leh ugu soo gudbiso dadka akhrisanaya posts yada aad soo gudbiso, Iyo sida aad uraacdo siyaasadaha Google adsense

Ugu dambayn waxaad ogaata inay guushu ku iman hal maalin, Ee ay ubaahan tahay dulqaad iyo dadaal joogto ah, Iyo in wapsaite kaagu noqdo meel ay ku kalsoonyihiin dadka akhrisanaya Post-yada aad soo gudbiso

Asxaabtada la wadaag

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top