PayPal Waa Maxay?
PayPal waa adeeg lacag bixineed oo online ah oo kuu ogolaanaya inaad lacag dirto, Oo Lacagna aad hesho, Sido kale aad Wax kaga iibsato internet-ka, Ama aad lacag ku bixiso adeegyo kala duwan adigoon si toos ah ula wadaagin faahfaahinta kaarkaaga bangiga,
Malaayiin qof iyo ganacsiyo adduunka oo dhan ayaa isticmaala, Sababtoo ah waa adeeg si fudud loo isticmaali karo isla markaana leh heer amni oo sareeya, Dadka shaqeeya Freelancing, Affiliate Marketing, E-commerce iyo ganacsiyada internet-ka ayaa inta badan u isticmaala PayPal inay ku helaan ama ku diraan lacag

Sidee Ayuu PayPal U Shaqeeyaa?
Marka aad samaysato akoon, Waxaad ku xiri kartaa:
▪︎ Kaarka Debit Card
▪︎ Kaarka Credit Card
▪︎ Akoonka bangiga (dalalka uu adeegu ka shaqeeyo
Marka xiriirku dhammaado, Waxaad awoodi doontaa:
▪︎ Inaad lacag dirto
▪︎ Inaad lacag hesho
▪︎ Inaad wax online uga iibsato
▪︎ Inaad bixiso adeegyada internet-ka
Lacagta ayaa marka hore soo gasha Account-kaaga, Kadibna waxaad u wareejin kartaa bangigaaga haddii waddankaagu taageero
Faa’iidooyinkiisa
wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ka dhigaya mid ka mid ah adeegyada lacag-bixinta ugu caansan
1. Amni Sare
Marka aad wax ka iibsanayso internet-ka, uma baahnid inaad website kasta geliso lambarka kaarkaaga bangiga, Taasi waxay kordhisaa ammaanka xogtaada
2. Lacag Diris Degdeg Ah
Waxaad lacag ugu diri kartaa qof kale daqiiqado gudahood haddii uu leeyahay Account
3. Wax Iibsasho Online
Dukaamo badan oo caalami ah ayaa aqbala, Taas oo ka dhigaysa bixinta mid sahlan
4. Ku Habboon Freelancers
Dad badan oo ka shaqeeya internet-ka waxay Akoonkan ka helaan lacagaha ay kasbadaan
5. Ilaalinta Iibsadaha
Haddii alaabtii aad iibsatay aysan kuu imaan ama aysan ahayn sidii lagu sheegay, PayPal wuxuu leeyahay nidaam lagu xalliyo khilaafaadka
Sidee Loo Furaa Akoon PayPal?
Furashada PayPal waa hawl sahlan haddii aad raacdo tallaabooyinkan
Tallaabada 1: Booqo Website-ka PayPal
Tag website-ka rasmiga ah ee PayPal
Tallaabada 2: Dooro Sign Up
Guji batoonka Sign Up si aad u bilowdo diiwaangelinta
Tallaabada 3: Dooro Nooca Akoonka
Waxaa jira laba nooc oo waaweyn:
Personal Account
Waxaa loogu talagalay dadka doonaya:
▪︎ Wax iibsiga internet-ka
▪︎ Lacag dirista
▪︎ Lacag helista shaqsi ahaan
Business Account
Waxaa loogu talagalay:
▪︎ Shirkadaha
▪︎ Ganacsatada
▪︎ Dukaamada Online-ka
▪︎ Freelancers qaarkood
Tallaabada 4: Geli Xogtaada
Waxaad buuxin doontaa:
• Magacaaga oo sax ah
• Email Address
• Password adag
• Dalkaaga
• Lambarka telefoonka
Tallaabada 5: Xaqiiji Email-ka
Akoon ka markaad sameysato wuxuu kuu soo diri doonaa fariin email ah, Fur email-ka kadibna guji batoonka xaqiijinta

Tallaabada 6: Ku Xir Kaarkaaga
Waxaad ku dari kartaa:
▪︎ Visa Card
▪︎ Mastercard
▪︎ Debit Card
▪︎ Credit Card
Qaar ka mid ah waddamada waxay sidoo kale taageeraan in bangiga si toos ah loogu xiro
Sida Loo Xaqiijiyo PayPal
Akoonka la xaqiijiyey wuxuu leeyahay faa’iidooyin dheeraad ah sida:
▪︎ Xad lacageed oo sareeya
▪︎ Kalsooni badan
▪︎ Adeegyo dheeraad ah
Badanaa waxaa lagu xaqiijiyaa:
▪︎ Kaarka bangiga
▪︎ Aqoonsi haddii loo baahdo
▪︎ Xaqiijinta cinwaanka email-ka
Maxaa Lagu Samayn Karaa PayPal?
PayPal waxaa loo isticmaalaa hawlo badan oo kala duwan
Waxaa ka mid ah:
▪︎ Wax ka iibsiga internet-ka
▪︎ Lacag dirista
▪︎ Lacag helista
▪︎ Bixinta adeegyada online-ka
▪︎ Lacag bixinta software-yada
▪︎ Lacag bixinta hosting iyo domains
▪︎ Qaadashada lacagaha qaar ka mid ah shirkadaha Freelancing
Tusaale Fudud
Tusaale ahaan, Haddii aad tahay Freelancer oo u shaqeeya macmiil dibadda jooga, Macmiilka wuxuu lacagta kuugu diri karaa Akoonkaga , Marka lacagtu ku soo gasho akoonkaaga, Waxaad u isticmaali kartaa wax iibsasho online ah ama waxaad u wareejin kartaa bangigaaga haddii adeegaas waddankaaga laga taageero
PayPal Ma Bilaash Baa?
Samaynta PayPal Account waa bilaash
Si kastaba ha ahaatee, Adeegyada qaarkood sida:
▪︎ Lacagaha ganacsiga
▪︎ Lacagaha isdhaafsiga lacagaha kala duwan
▪︎ Wareejino gaar ah
Waxaa laga yaabaa inay yeeshaan khidmad iyadoo ku xiran dalka iyo nooca adeega
PayPal Soomaaliya Ma Ka Shaqeeyaa?
Maya, Wakhti xaadirkan si caadi ah ugama shaqeeyo Soomaaliya, Laakin wuxuu ka shaqeeyaa dalal badan, Laakiin adeegyada uu bixiyo way ku kala duwan yihiin waddan kasta, Dalalka qaarkood waxay oggol yihiin lacag diris iyo helis labadaba, Halka qaar kalena ay taageeraan adeegyo xaddidan, Ka hor intaadan furan akoon, Waxaa muhiim ah inaad hubiso adeegyada PayPal ee laga heli karo waddankaaga,
Talooyin Muhiim Ah
Si akoonkaagu u ahaado mid ammaan ah:
▪︎ Isticmaal Password adag
▪︎ Daar Two-Factor Authentication (2FA)
▪︎ Ha la wadaagin Password-kaaga cid kale
▪︎ Isticmaal email adiga kuu gaar ah
▪︎ Hubi in magaca ku qoran akoonkaga uu la mid yahay kan aqoonsigaaga
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQ)
lacag ma lagu furaa?
Maya, Furashada PayPal Account waa bilaash
Email keliya ma ku filan yahay?
Bilowga waa lagu samayn karaa email, Laakiin adeegyo badan waxay u baahan karaan kaar bangi ama xaqiijin dheeraad ah
Ma ku iibsan karaa alaab online?
Haa, Waxaa uu aqbalaa dukaamo badan oo internet-ka ah
Ma ammaan baa?
Haa, Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah adeegyada lacag-bixinta online-ka ee ugu ammaansan haddii aad ilaaliso xogta akoonkaaga
Gunaanad
PayPal waa adeeg lacag-bixineed oo caan ka ah dunida, Kuna habboon dadka wax ka iibsada internet-ka, Iyo dadka ka Shaqeeya Freelancing, Ama leh ganacsi online ah
Furashada akoonku waa bilaash, Waana sahlan tahay haddii aad raacdo tallaabooyinka saxda ah, Kahor isticmaalka, Hubi in adeegyada akoonkan laga heli karo waddankaaga si aad u ogaato waxa aad samayn karto iyo waxa xaddidan, Haddii aad rabto inaad si ammaan ah ugu dirto ama ugu hesho lacag internet-ka, PayPal wuxuu ka mid yahay adeegyada ugu caansan ee lagu kalsoon yahay


