TikTok wuxuu noqday mid ka mid ah baraha bulshada ee ugu caansan Aduunka, iyadoo malaayiin qof ay maalin kasta ka daawadaan muuqaalo gaagaaban oo madadaalo ah iyo qaar waxbarasho iyo ganacsi isugu jira, Waxa dad badan aysan ogeyn ayaa ah in TikTok uusan ahayn oo keliya meel lagu madadaasho, Balse uu sidoo kale yahay goob aad ka sameyn karto dakhli joogta ah
Haddii aad leedahay Taleefan casri ah oo Wanaagsan iyo Internet oo aad tahay qof hal abuur leh oo wax soo gudbin kara, Waxaad fursad u leedahay inaad lacag ka samayso TikTok adigoon maalgelin weyn samayn, Maqaalkan waxaad ku baran doontaa hababka ugu waaweyn ee lacag looga sameeyo TikTok, shuruudaha muhiimka ah, iyo xeeladaha kaa caawin kara inaad dhisto akoon guuleysta

Waa Maxay TikTok?
TikTok waa bar bulsho oo lagu wadaago muuqaallo gaagaaban, Dadku waxay ku soo bandhigaan aqoontooda, Xirfadahooda, Ganacsigooda ama Muuqaalo madadaalo ah, Sababtoo ah TikTok wuxuu leeyahay malaayiin isticmaaleyaal oo firfircoon, Wuxuu noqday meel ay shirkado iyo ganacsato badan ka raadsadaan dadka saamaynta leh si ay u xayeysiiyaan alaabtooda, Taasi waxay abuurtay fursado badan oo lacag lagu kasban karo
Ma Suurtagalbaa In Lacag Laga Sameeyo TikTok?
Haa, waa suurtagal, Kumannaan qof ayaa maanta dakhligooda ugu weyn ama mid dheeraad ah ka hela TikTok
Waxaad lacag ku kasban kartaa:
1. Barnaamijyada abuurayaasha (Creator Programs) ee waddamada qaarkood
2. Xayeysiisyada iyo heshiisyada shirkadaha
3. Affiliate Marketing
4. Iibinta alaabo ama adeegyo
5. Hadiyadaha Live-ka
6. U dirista dadka bog ama ganacsi aad leedahay
Maxaad U Baahan Tahay Si Aad U Bilowdo?
Kahor intaadan lacag samayn Tiktok, Hubi inaad haysato:
1. Taleefan tayo leh
2. Internet degdeg ah
3. Akoon TikTok firfircoon
4. Mawduuc aad si joogto ah uga hadasho
5. Dulqaad iyo joogteyn
Uma baahnid kamarad qaali ah marka aad bilowga tahay, Taleefan wanaagsan ayaa inta badan ku filan
1. Lacag Ka Samee TikTok Creator Rewards Program
Dalal badan ayuu ka shaqeeya, Creator Rewards Program,,TikTok wuxuu leeyahay barnaamij lagu abaalmariyo dadka sameeya muuqaallada tayada leh
Marka muuqaalladaadu helaan daawasho badan iyo isdhexgal wanaagsan, TikTok wuxuu ku siin karaa lacag iyadoo ku xiran Shuruudaha waddankaaga
Tusaale ahaan, Qof sameeya muuqaallo waxbarasho oo malaayiin qof daawadaan wuxuu heli karaa dakhli joogto ah haddii waddankiisu taageero barnaamijkan Creator Rewards Program
Sharuudaha ugu waa wayn ee Tiktok Creator Rewards Program waa:
1. Dalka loo ogolyahay:
Waa inaad ku nooshahay dal wuu barnaamijkan ka shaqeeyo, Tusaale ahaan sida: USA, FRANCE, GERMANY, SPAIN, ITALY, JAPAN, SOUTH KOREA iyo dad kale oo Tiktok taageerto
● Dada:
Waa inaad tahay ugu yaraan 18 Sanno jir, Oo aanad ahayn carruur
● Followers:
Waa in account-kaagu haystaa ugu yaraan 10,000 Followers
● Views:
Waa inaad heshaa ugu yaraan 100,000 Views, 30 maalmood ee u dambeyey
● Akoon wanaagsan:
Waa inaad raacda Xeerarka Tiktok, Adigoon lahayn xad gudubyo Culus oo Tiktok kugu soo diidi karto
● Dhererka Muuqaalka aad soo dhigayso:
Barnaamijkan Creator Rewards Program, Waxa uu aqbalaa inta badan muuqaalo 1 daqiiqo ah, siay abaalmarinta uhelaan
Lacagta aad hesho waxay ku xidhan tahay:
▪︎ Tayada muuqaalka aad soo dhigtay
▪︎ Inta Views ee sax ah ee uu helay ( Qualified Views )
▪︎ Wakhtiga ay dadku daawadaan muuqaalka
▪︎ Dalka ay joogaan dadka daawanaya muuqaalka
2. Affiliate Marketing
Affiliate Marketing waa mid ka mid ah hababka ugu fudud ee lacag looga sameeyo TikTok
Habkani wuxuu u shaqeeyaa sidan:
Waxaad la wadaagaysaa dadka Link gaar ah oo alaab ama adeeg ah, Marka qof Link gaaga ka iibsado Alaabtii ama iska diiwaangeliyo, waxaad helaysaa komishan
Tusaale:
Haddii aad dadka u sharaxdo sida lacag looga sameeyo internetka, Waxaad ku dari kartaa Link affiliate ah oo qofku marka uu iska diiwaangeliyo aad lacag ka hesho, Tani waa hab dakhli badan aad ka sameyn karto
3. Heshiisyada Xayeysiiska (Sponsored Posts)
Marka aad yeelato taageerayaal badan iyo sumcad wanaagsan, Shirkado ayaa kula soo xiriiri kara si aad u xayeysiiso alaabtooda ama adeegyadooda
Qiimaha lagu siinayo wuxuu ku xirnaan karaa:
▪︎ Tirada taageerayaasha kugu xidhan
▪︎ Celceliska daawashada Muuqaalada
▪︎ Tayada muuqaalada
▪︎ Heerka isdhexgalka
Mararka qaar xitaa akoon leh taageerayaal yar laakiin firfircoon ayaa heli kara heshiisyo wanaagsan
4. Iibinta Alaab Ama Adeeg
Haddii aad leedahay ganacsi, TikTok wuxuu noqon karaa suuq weyn
Waxaad iibin kartaa:
1. Buugaag dijitaal ah
2. Koorsooyin online ah
3. Adeegyo freelancing
4. Dhar
5. Qalab elektaroonig ah
6. Adeegyo suuq-geyn
Tusaale ahaan, haddii aad leedahay website bixiya casharro ku saabsan lacag samaynta internetka, Waxaad TikTok ugu diri kartaa dadka soo booqanaya si ay uga faa’iidaystaan adeegyadaada
5. Hadiyadaha Live-ka
TikTok Live wuxuu kuu oggolaanayaa inaad si toos ah ula hadasho taageerayaashaada
Inta aad Live ku jirto, Taageerayaashu waxay kuu diri karaan hadiyado dijitaal ah, Had yadahaas waxaa loo beddeli karaa lacag marka ay buuxiyaan shuruudaha TikTok
Si aad u hesho hadiyado badan:
1. La falgal daawadayaasha
2. Ka jawaab su’aalahooda
3. Samee Live joogto ah
4. Bixi waxbarasho ama madadaalo tayo leh
Talooyin Muhiim Ah oo Lagu Guuleysto TikTok
Si aad u kordhiso fursaddaada lacag samaynta:
1. Soo geli muuqaal cusub maalin kasta ama si joogto ah
2. Adeegso cinwaanno soo jiidasho leh
3. Isticmaal hashtag-yo ku habboon
4. Ka jawaab faallooyinka
5. Samee muuqaal tayo leh
6. Raac isbeddellada (trends) adigoo ku daraya fikraddaada gaarka ah
Joogtayntu waa mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee guusha TikTok.
6. Lacag Ka Samee TikTok Shop
TikTok Shop waa adeeg kuu oggolaanaya inaad si toos ah ugu iibiso alaab gudaha TikTok Haddii adeegan laga heli karo waddankaaga ama aad la shaqaynayso suuq uu ka shaqeeyo, Waxaad soo bandhigi kartaa alaabtaada ama waxaad noqon kartaa Affiliate-ka alaab ay shirkado kale leeyihiin
Faa’iidada ugu weyn ayaa ah in dadka daawanaya muuqaalkaaga ay si fudud u iibsan karaan alaabta adigoon u dirin bog kale
7. Noqo UGC Creator ( User-Generated Content )
Shirkado badan maanta waxay lacag ku siiyaan dadka sameeya muuqaallo tayo leh oo ay shirkaddu isticmaasho, Looma baahna inaad leedahay malaayiin taageerayaal ah
Waxa muhiimka ah waa:
▪︎ Inaad samayn karto muuqaal tayo leh
▪︎ Inaad si dabiici ah u sharxi karto alaab ama adeeg
▪︎ Inaad soo bandhigtaa Muuqaal wanaagsan oo cod nadiif ah leh
Tusaale ahaan, Shirkad iibisa taleefanno ayaa ku siin karta lacag si aad u samayso muuqaal gaaban oo soo bandhigaya faa’iidooyinka alaabteeda
8. Maamul Akoonnada TikTok ee Ganacsiyada
Ganacsiyo badan ma haystaan waqti ay ku maamulaan akoonnadooda TikTok, Haddii aad barato sida loo sameeyo muuqaallo, Loo qoro qoraallo soo jiidasho leh iyo loo kordhiyo daawashada, waxaad u shaqayn kartaa sidii maamule akoon
Adeegyada aad bixin karto waxaa ka mid ah:
▪︎ Diyaarinta jadwalka muuqaalada
▪︎ Tafatirka muuqaalada
▪︎ Qorista qoraallada
▪︎ Ka jawaabista faallooyinka
▪︎ Falanqaynta waxqabadka akoonka
Tani waa adeeg si weyn looga raadiyo goobaha freelancing-ka
9. Sida Loo Kordhiyo Daawashada TikTok
Si muuqaaladaadu u gaaraan dad badan:
▪︎ Ku bilow muuqaalka 3 ilbiriqsi oo soo jiidasho leh
▪︎ Adeegso iftiin wanaagsan iyo cod nadiif ah
▪︎ Qor cinwaan dadka xiise geliya
▪︎ Isticmaal hashtag-yo la xiriira mawduuca
▪︎ Soo geli muuqaallada waqtiyada ay taageerayaashaadu firfircoon yihiin
▪︎ Ku dhiirrigeli dadka inay faallo ka bixiyaan ama la wadaagaan muuqaalka
Khaladaadka Laga Fogaado
Dad badan waxay ku guuldaraystaan TikTok sababahan:
▪︎ Inay joojiyaan soo gelinta muuqaalada waqti hore
▪︎ Inay soo geliyaan muuqaallo dadka kale leeyihiin
▪︎ Inay isticmaalaan cinwaanno marin habaabin ah
▪︎ Inay iska indhatiraan tayada codka iyo muuqaalka
▪︎ Inay ku xadgudbaan xeerarka TikTok
Haddii aad rabto guul muddo dheer ah, Had iyo jeer samee muuqaal asal ah oo tayo leh
10. Talooyin Dheeraad ah oo Guusha Kuu Soo Dedejinaya
▪︎ Dooro hal mowduuc oo aad ku takhasusto
▪︎ Baro waxa ay dadkaagu xiiseeyaan
▪︎ Ka faa’iidayso isbeddellada ( trends ) Adigoo ku daraya fikrad cusub
▪︎ Falanqee muuqaalada ugu guusha badan oo ka baro sababta ay u shaqeeyeen
▪︎ Ha ka quusan haddii bilowga daawashadu yar tahay, Joogtayntu waa furaha guusha
Dad badan oo maanta dakhli fiican ka hela TikTok waxay bilaabeen iyagoo aan lahayn taageerayaal badan, Waxa kala saaray waa dulqaad, Hal abuur iyo joogteyn
Gunaanad
TikTok maanta hadii aad bilow oo wadamaya laga ogolyahay Creator Rewards Program, Aad joogto waa fursad dhab ah oo lagu kasban karo dakhli, Adigoo si joogto ah u soo saaraya muuqaallo tayo leh, Dhisaya kalsoonida taageerayaasha, Kana faa’iidaysanaya hababka kala duwan ee lacag samaynta sida Affiliate Marketing, TikTok Creator Rewards, TikTok Live iyo xayeysiisyada, Waxaad abuuri kartaa dakhli joogto ah, Furaha guusha waa dulqaad iyo samir isku day inaad marwalba oo aad wax bilaabayso aad yeelato samir sababtoo ah wax walba si dakhsaa kuma yimaadaan