Youtube waxa uu kamid yahay meelaha ugu waaweyn ee lacagta internet-ka laga sameeyo malaayiin qof ayaa isticmaala oo maalin kasta soo geliya Muuqaalo kala duwan, Dad aad ubadan oo Youtubers ah ayaa lacago ka sameeya youtube Bilkasta iyo sannad kasta, Hadaba siaad ubilowdo youtube uma baahnid inaad haysato qalab casri sida microphone ama camera qaali ah, Balse youtube waxaad ku bilaabi kartaa waxaad markaad haysato, waxa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay waa dulqaad inaad yeelato joogtayna aad sameyso oo si joogta ah Muuqaalo usoo geliso, Kadib Channel-kaga youtube waxa uu noqonayaa Channel guuleysta
Maqaalkan waxaad ku baran doonta sida Youtube loo bilaabo lacagna looga sameeyo adiga oo gurigaaga jooga iyo sharuudaha Monetization ka, Iyo Talooyin kaa caawinaya inaad dhisto Channel guuleysta oo Google adsense xeerarkeeda waafaqsan

Youtube Monetization
Youtube Monetization: Waa hab youtube ugu ogolaado dadka Channels ka leh inay lacag ka sameeyaan Muuqaalada ay soo dhigayaan, Hadii Channel kaagu buuxiyo sharuudaha lacag sameynta ee Youtube Partner program, Waxaa markaa kuu bilaabmaya lacagta oo Muuqaalada aad soo dhigto Channel kaga ayaa xayeysiin la dulsaari doona Xayeysiisyadaa oo aad dakhli ka sameynaysid,
Lacagta aad ka sameyso Youtube waxa loo wareejin doona Google adsense Halkaas oo lacagtaada aad ka maamuli doontid, Shirkada youtube ayaa u isticmaasha bixinta dakhliga
Youtube sida ay lacagta uga sameyso dadka isticmaala Channels-ka youtube
Shirkada youtube waxay dakhli ka heshaa shirkadaha bixiya xayeysiisyada markay shirkaduhu lacag ku bixiyaan xayeysiisyada Qayb kamid ah dhakhligaas waxa la siiya dadka isticmaala Channels ee lacagta ka sameeya, iyada oo lugu salaynayo, Daawashada iyo tayada iyo daawadayaasha iyo Arimo kale
Dakhliga aad ka sameyso Channel-kaga waxa uu ku xidhnaan karaa
1. Tirada Daawashada muuqaalada aad soo dhigtay Channel-kaga
2. Dadka ku daawanaya dalka ay joogaan
3. Nooca ay yihiin xayeysiisyada lasoo bandhigay
4. Wakhtiga iyo mudada ay dadku daawadaan muuqaaladada
5. Mawduuca kanaalkaga, Waxaad ku soo bandhigto
Sharuudaha Youtube Partner Program
Markaad doonayso inaad youtube lacag ka sameyso waa inaad buuxisaa sharuudaha
Sharuudaha ugu muhiimsan waa:
1. Waa inaad raacda xeerarka iyo siyaasadaha Youtube
2. Inaad sameysato Account google adsense ah oo sax ah
3. Inaad joogto oo aad ku nooshahay wadan wuu ka shaqeeyo ama laga ogol yahay Youtube Partner program
Markaad buuxiso sharuudaha oo aad codsato, Youtube waxay dib u eegtaa Channel-kaga inuu sharuudaha buuxiyey oo uu yahay Channel sax ah, Oo lasoo geliyey Muuqaalo asal ah oo aanu jabin sharciyada youtube
Sidee loo sameeya Channel Guuleysta?
Guusha youtube kuma xidhna nasiib oo kaliya, Waxay ku xidhantahay inaad qorshe wanaagsan iyo Joogtayn
Marka hore inta aanad bilaabi youtube dooro mawduuc aad si fiican utaqaano ama aad xiiseynayso soo gudbintiisa , Tusaale
1. Waxbarashada
2. Ganacsiga
3. Barashada lacag sameynta online
4. Tiknoolajiyada
5. ciyaaraha
6. Safarada
7. Cunto karinta
8. Dib u eegista qalabka
Marka aad hal mawduuc oo aad ku wanaaagsan tahay aad soo gudbiso, Youtube waxay fahmaysaa cida ay usoo bandhigayso muuqaaladada, Taas oo kordhin karta kanaalkaga koritaankiisa
Waxaad sameysaa muuqaalo tayo fiican leh
Inaad soo gudbiso muuqaalo tayo fiican leh oo wanaagsan waxay saameyn wayn ku leedahay Guusha kanaalkaga
Samee intan:
1. Cod nadiif ah oo aan Sanqadh lahayn
2. Sawir muuqda oo si wanaagsan loo arki karo
3. Ciwaan soo jiidasho leh, Oo dadku ka heli karaan
4. Thumbnail tayo fiican leh oo qurux badan
5. Inaad sameyso (Description) Sharaxaad dhameystiran
6. Ku dar ereyo muhiim ah (Keywords) wanaagsan oo sax ah
Youtube marka aad bilaabeysid uma baahnid Camera qaali ah, Waxaad ubaahan tahay Teleefan wanaagsan oo camera fiican leh iyo iftiin iyo cod nadiif ah, Markaa waad bilaabi kartaa Youtube
Sida loo kordhiyo Subscribe iyo Watch time ka
Qofku marka uu ku cusub yahay Youtube caqabadaha haysta waxa kamid ah sidii uu subscribe uheli lahaa oo ay dad ugu soo biiri lahaayeen Youtube Channel kiisa , iyo Saacadaha daawashada ( Watch time) Labadaas arimood waa muhiim waxayna muhiim uyihiin kobaca kanaalkaga iyo youtube Partner program
Sida loo kordhiso Subscribers ka:
1. Waa in aad daabacdaa muuqaalo tayo fiican leh
2. Waxaad doorataa mawduuc xiiso leh oo dadku xiiseynayaan
3. Daawadayaasha ku dhiirigeli in ay subscribe sameeyaan oo ay kugu soo biiraan
4. Ka jawaab Comments ka ay soo qoreen daawadayaashu siaad udhisto kalsoonida daawadayaasha
5. Waxaad sameysaa Thumbnails qurux badan oo soo jiidasho leh
6. Adeegso ciwaano fiican oo xiiso leh
Hadii aad joogtayso waa guuleysan, Sababtoo ah joogtayntu waa furaha guusha, Hadii aad hal muuqaal geliso kanaalkaga oo aad mudo dheer joojiso hadhow waxa adkaanaysa in kanaalkagu si degdeg ah ukoro
Sidee loo helaa Watch time badan?
Watch time: waa wadar saacado ah oo ay dadku ku qaataan daawashada muuqaaladaada:
1. Samee muuqaalo faaido leh oo dadku ilaa dhammaadka daawadaan
2. Bilowga muuqaalka waxaad ka dhigtaa mid soo jiidasho leh oo ay dadku jeclaystaan marka ay daawanayaan muuqaalkaga
3. Waxaad iska ilaalisaa hadalka badan ee muhiimka ahayn
4. Waxaad sameysaa Taxane ( Series ) Oo dadka ku daawanaya ku dhiirigeliya inay daawadaan muuqaalo kale oo Kanaalkaga ku jira
Marka dadka ku daawanaya wakhti dheer ay ku qaataan kanaalkaga, Youtube waxay u aragtaa in nuxurkaagu yahay mid qiimo leh
Google adsense iyo Youtube
Google adsense waa nimaad kaa caawinaya oo bixiya lacagta youtube ku siisay, Marka kanaalkaga la aqbalo waxaad ku xidhaysaa account google adsense ah oo sax ah, Si dakhligaagu ugu dhaco google adsense
Maxay sameysaa adsense?
1. Waxay diwaangelisaa dakhligaaga xayeysiisyada
2. Waxay maamushaa lacag bixinta
3. Waxay muujisaa dakhliga bisha
4. Waxay dirtaa lacagta marka la gaadho xadka lacag bixinta
Waxaad isticamaasha oo kaliya hal Account oo google adsense ah oo sax ah, Maadama ay Accounts badan ay keeni karaan dib udhac ama dhibaatooyin xaqiijin
Hababka kale ee lacagta looga sameeyo Youtube
Inkastoo ay xayeysiisyadu ay yihiin hababka ugu caansan hadana waxa jira ilo kale oo dakhli leh:
1. Affiliate Marketing
Asxaabta ku xidhan kanaalkaga waxaad la wadaagi kartaa Links affiliate ah waxaadna soo dhigi kartaa qaybta Description ka ee muuqaalka Marka qof wax ka ibsado link-gaaga waxaad heli kartaa Komishan
2. Sponsorships
Hadii uu kanaalkaagu caan noqdo shirkado ayaa ku siin kara lacag siaad u xayeysiiso alaabtooda ama adeegyadooda
3. Iibinta alaabo ama Adeegyo
Waxaad iibintaa Buugag dijitaal ah iyo Koorsooyin, Adeegyo ama badeecado kale oo aad adigu leedahay
4. Memberships
Kanaalada uqalma waxay siin karaan, Taageerayaashoodu ama dadka ku xidhan xubinimo bile ah oo leh faaidooyin gaar ah
5. Super Chat iyo Super Thanks
Inta lugu jiro live ka ama muuqaalada qaarkood, Daawadayaashu ama Taageerayaashu waxay kuu diri karaan lacag siay kuu taageeraan
Maxaa sababa in Monetization ka la diido?
Dad badan waxay la kulmaan in qaybta Monetization ka ay soo diido, Khaladaad qofku sameyey awgeed Sida:
1. Muuqaalo aan asal ahayn oo qof meel kale ka keenay
2. In qofku nuqul ka sameeyo muuqalada dadka kale
3. In aad isticmaasho music ama muuqaal aadan xaquuqdiisa lahayn
4. Thumbnails ama ciwaano marin habaabin ah
5. Ku xad gudubka xeerarka bulshada ee Youtube
Gunaanad
Hadii aad doonayso inaad sameysato Channel guuleysta oo aad dakhli ka sameyso waxaad raacda talaabooyinkan aan kuu sheegay ee aan kula wadaagay, Waxaana lagaaga baahan yahay dadaal iyo samir muuqaalo joogtana inaad soo geliso Channel kaga, Mawduuca aad ka hadlayso ee aad soo gudbinayso ha noqdo mid dadku xiisaynayaan oo aad jeceshahay inaad soo gudbiso
Waxa kale oo aad iska ilaalisaa inaad sameyso wax ka soo horjeeda xeerarka youtube, Tusaale ahaan inaad soo qaadato muuqaalo dad kale leeyihiin oo aanad ogolaansho ka haysan iyo in aad isticmaasho music iyo codad kale oo aad ka soo qaadatay meel kale
Akhriso Sida adsense lacag looga sameeyo